Barcelona oo garaacday Valencia, Lionel Messi oo labo mar Shabaqa soo taabtay

Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay Kooxda Valencia kulan ka tirsan Horyaalka La Liga oo ku soo dhamaaday 3-2 kaasi oo ka dhacay Gatoonka Estadio Mestalla ee Kooxda Valencia.

Xidiga Messi ayaa Kulankan Wacdaro ka dhigay kadib markii uu Shabaqa soo taabtay Labo mar xili sidoo kale laga qabtay gool rigoore ahaa.

Qeybta hore ee Kulankan ayaa lagu kala nastay goolal la’aan waxana Goolasha leeska dhaliyay qeybta danbe ee Ciyaarta.

G. Paulista ayaa daah-furay goolasha Kulanka isagoo Hogaanka ciyaarta u dhiibay Kooxda Valencia daqiiqadii 50aad ee Ciyaarta Barcelona ayaana ku sigatay in ay barbareeso goolkaasi daqiiqadii 57aad markaasi uu qasaariyay rigoore loo dhigay lakin kubad ku laabatay goosha ayuu u badalay gool mar kale.

Barca ayaa intaasi kadib kubada la wareegtay waxana dadaal kadib u suura gashay qabashada Hogaanka ciyaarta A. Griezmann ayaa gool u dhaliyay daqiiqaddii 63aad ka hor inta uusan goolka 3aad ahaana kii labaad uusan dhalin Lionel Messi.

Valencia ayaa dhamaadka ciyaarta la timid gool labaad daqiiqaddii 83aad ee ciyaarta lakin goolkaasi kama caawin in ciyaartan ay ka dhigaan bar-baro.

Natiijadan ayaa ka dhigeysa in Barcelona ay ku jirto Boosla 3aad ee Horyaalka oo mar kale yeeshay Xiiso gooni ah iyadoo Kooxda laga badiyo ay halis ugu jirto luminta Horyaalka La Liga Spain.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*