Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa gashay xaalad adag oo ku qasbaysa in ay iibiso ciayartoydeeda waaweyn, kaddib markii uu horyaalka LaLiga soo saaray jaan-goynta mushaharka koox walba loo ogol yahay in aanay dhaafi karin.
Barcelona oo mushaharka ciyaartoydeeda sannadkii hore uu ahaa €649 milyan oo Euro oo uu horyaalka LaLiga u ansixiyey, ayaa waxa laga jaray hadda in ka badan €379 milyan oo Euro, taas oo keentay in dersin ciyaartoydeeda ah lagu qasbo inay iibiyaan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.
Barcelona waxa mushaharka ugu badan ee ay bixin karayso laga dhigay €270 milyan oo Euro oo kaliya, waxaana in ka badan 60% mushaharka laga doonayo inay dhimaan.
Barcelona oo duruuftan oo kael sannadkii 2021 u fasaxday Lionel Messi, ayaa waxa xagaagii ka tegay ciyaartooyo waaweyn sida Ousmane Dembele, Sergio Busquets, Jordi Alba, Franck Kessie, Ansu Fati, Clement Lenglet, ErIc Garcia iyo Sergino Dest.
Sidaas oo ay tahay, haddana Barcelona kuma filnaanin sababtoo ah waxay €4 milyan oo Euro kusoo iibsadeen Oriol Romeu, halka ay amaah kusoo qaateen Joao Cancelo iyo Joao Felix, iyadoo ay si bilaash ah ugu soo wareegeen Ilkay Gundogan iyo Inigo Martinez.
Kaddib markii uu horyaalka LaLiga soo saaray jaangoynta mushaharka maalintii shalay ee Khamiista ahayd, waxa la sheegay in Barcelona ay ku qasnaanayso inay iibiso shan ka mid ah ciyaartoydeeda kooxda koowaad.
Waxa ugu horreeya Frenkie de Jong oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga oo toddobaadkii uu mushaharkiisu yahay €725,000 Euro, waxaana uu yahay mushkiladda iyo culayska ugu weyn ee haysata kooxda.
De Jong oo ay doonayso Manchester United ayaa waxa la sheegay in Barcelona ay hadda u arkayso in iibkiisu uu noqonayo xal lagama maarmaan ah, haddii kale ay dhibaato intan ka badan geli doonaan.
Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa Ingiriiska, waxa kale oo ciyaartoyda ay iibin doonaan bisha January ka mid ah Raphinha, Pedri, Ansu Fati oo amaah ku jooga Brighton iyo difaaca reer France ee Jules Kounde.