Barcelona oo go’aamisay qiimaha iibka ee Martin Braithwaite

Barcelona ayaa iib ka dhigtay xidiga Martin Braithwaite .

Sport ayaa sheegaysa in Braithwaite uusan ku jirin qorshaha tababare Xavi Hernandez ee xilli ciyaareedka soo socda, Barcelona ayaana u sheegtay wakiilada xidigan.

Waxay rabaan inay iibiyaan weeraryahanka Danishka ah, waxayna rabaan inay ku qaataan ilaa siddeed milyan oo Yuuro.

Braithwaite ma jecla inuu baxo inkastoo uusan waqti ka hali karin kooxda.

Meesha uu aadi karo ayaa ah Premier League halkaas oo ay ka jiraan xoogaa xiiso ah, laakiin ma jiro horumar laga sameeyay arintan..

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*