Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax niyad ah u hayn in ay u ogolaato Pierre-Emerick Aubameyang in uu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
33-sano jirkaan ayay ku adkaan kartaa inuu si joogta ah ugu soo bilowdo Camp Nou xilli ciyaareedka cusub ka dib markii uu yimid Robert Lewandowski oo ka yimid Bayern Munich.
Chelsea ayaa la sheegay inay xiiso u qabto ciyaaryahankii hore ee Gabon, iyadoo Blues la sheegay inay wadahadalo la yeelatay wakiiladiisa si ay ugala hadlaan inuu u wareego Stamford Bridge.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sport , Barcelona ayaa u aragta Aubameyang mid ‘aan la wareejin karin’ waxayna diidi doontaa inay wadahadal la gasho kooxda Premier League ee ku aadan saxiixiisa.
Warbixinta ayaa sheegeysa in macalinka kooxda Catalan Xavi uu u arko weeraryahanka khibrada leh inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah, halka madaxda sare ee kooxda ay sidoo kale doonayaan inay sii heystaan.