Barcelona oo guul 0-4 ah ka gaartay kooxda Cadiz, Kulan hakad la galiyay

Kooxda kubadda cagta ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay hal-dhibic dhaaftay Real Madrid oo berri duhurka ciyaaraysa, kaddib markii ay 4-0 ku garaacday kooxda yar ee Cadiz oo ay ku booqatay garoonka Estadio Nuevo Mirandilla.

Ciyaar aad loogu murugooday oo muddo 60 daqiiqadood ah la joojiyey markii ay xaalad caafimaad ka dhacday garoonka islamarkaana ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen laba taageereyaal ah oo xaaladdoodu halis gashay, isla markaana koomo ku galay gudaha garoonka  ayay ugu dambayntii Barcelona qosolka la hoyatay, iyadoo saddexda dhibcood fursad usiiyeen in ay si kumeelgaadh ah ula wareegto hoggaanka horyaalka LaLiga.

Goolal ka kala yimid Frenkie de Jong Daqiiqadii 55aad  Robert Lewandowski Daqiiqadii 65aad  Ansu Fati Daqiiqadii 86aad iyo Ousmane Dembélé 90+2′ aad ayay Blaugrana ku heshay seddexda dhibcood, iyadoo Héctor Bellerín iyo Marcos Alonso ay sidoo kale kulankiisii ​​ugu horeysay u safteen kooxda.

Balse ciyaarta ayaa kusoo idlaatay ku dhawaad ​​saacad ka dib waqtigii loogu tala galay kadib markii xaalad caafimaad oo deg deg ah ay soo wajahday mid kamid ah taageeraha ciyaarta.

Kulanka soo socda ee Barça waxay safar ku aadidoontaa Munich si ay Bayern ula ciyaaraan Champions League Talaadada.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*