Barcelona oo guul ay ka gaartay Elche ku qabatay Hogaanka Horyaalka La Liga

Barcelona ayaa ka soo kabsatay niyad jabkii Champions League ee bartamihii isbuuca iyagoo si sahal ah uga gudbay 10-ciyaaryahan oo u ciyaara Elche kulan ka dhacay Camp Nou si ay hogaanka LaLiga u qabtaan.

Elche ayaa noqotay 10 ciyaaryahan 14 daqiiqo oo kaliay ka dib markii uu qalad sameeyay Gonzalo Verdú kaasi oo ku galay Robert Lewandowski.

Memphis ayaa kulankan ka faa’ideestay isagoo shabaqa soo taabtay kadib fursad uu ka helay Macalin Xavi.

Robert Lewandowski ayaa daah-furay bandhiga Goolasha kulankan Daqiiqadii 33aad waxana goolka labaad raacsaday Memphis Daqiiqadii 41aad ee qeybta hore.

Pedri ayaa ku dhawaaday inuu ku daro goolka saddexaad lakin goolkiisa ayaa looga diiday Offise ahaan.

Qeybta labaad Lewandowski oo aan ku qanacsaneyn Bandhigiisa Champions league-ga ayaa goolasha ka dhigay Saddex Daqiiqadii 48aad waxana ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay yeelatay 16 dhibcood, waxaanay hal dhibic dhaaftay Real Madrid oo habeen dambe la ciyaari doonta Atletico Madrid, taas oo haddii ay badiso dib ugu soo laaban doonta booska kaalinta koowaad, haddii se ay barbarro galaan amaba laga badiyo, waxa kaalinta  koowaad sii ahaan doonta Barcelona.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*