Home Falanqeynta Kulamada Barcelona oo guul ciriiri ah ka gaartay Real Betis Horyaalka La-Liga

Barcelona oo guul ciriiri ah ka gaartay Real Betis Horyaalka La-Liga

0

Kooxda Barcelona ayaa caawa guul ciriira ah waxay ka gaartay kooxda Real Betis kulan ka tirsan Horyaalka Spain oo ku soo dhamaaday 2-3.

Goolasha Barcelona waxaa u saxiixay Xidigaha kala ah Lionel Messi, iyo Trincao Daqiiqadihii 59 aad iyo 87 aad ee ciyaarta halka goolka 3 aad uu iska dhaliyay Victor Ruiz, dhanka Real Betis waxana labada gool u dhaliyay Borja Iglesias iyo Victor Ruiz Daqiiqadihii 38 aad iyo 75 aad ee ciyaarta.

Barcelona ayaana u muuqatay mid bar-baro galeysa kulankaan iyadoo waqtiga dhamaadka heshay goolka guusha natiijada ayaana ka dhigan in ay soo gasho booska 2 aad ee horyaalka iyagoo leh 43 dhibcood.

Maxaa Xiga

Barcelona ayaa la ciyaareyso kooxda Sevilla kulankeeda xiga oo qeyb ka ah koobka Copa del rey Seme-finalkiisa.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here