Barcelona oo guul Ciriiri ah ka gaartay Real Sociedad, Aubameyang oo ka caawiyay Goolkaasi

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa mar kale shabaqa soo taabtay iyadoo Barcelona ay 1-0 kaga badisay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Sociedad kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kubbad madax ah oo uu dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta ayuu ahaa goolkii 11-aad ee Aubameyang 14-kii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay Barca.

Guushaan ayaa la micno ah in Barca ay ku soo laabatay kaalinta labaad ee La Liga iyagoo 15 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid inkastoo Barca ay kulan u harsan tahay.

Barcelona ayay ku qaadatay kaliya 11 daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii uu Dembele birta garaacay laakiin kubadii soo laabatay waxaa sii nooleeyay Gavi oo karoos u qaaday Ferran Torres oo garabka midig ee goolka joogay, kaasoo isna kubada u sii qaaday Aubameyang oo madax ku dhaliyay.

Barcelona ayaa dhib weyn oo dhanka daafaca ah qabtay iyadoo afartooda daafac ay dhaawacyo soo gaareen 20 daqiiqo gudaheed qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaa qasab noqotay in la bedelo Araujo iyo Dani Alves halka Pique iyo Alba ay ku sii ciyaareen iyagoo jug qaba inkastoo Pique la bedelay dhamaadkii ciyaarta.

Gavi ayaa dhanka Barcelona isna fursad weyn ka qasaariyay ka dib karoos uu u soo dhigay Ferran Torres.

Inkastoo ciyaarta 10 daqiiqo oo dheeri ah lagu daray hadana Real Sociedad waa ay awoodi weysay inay goolka barbaraha hesho, waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Barca ku badisay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*