Barcelona oo guul-daro lama Filaan ah kala kulantay Kooxda Cadiz

Barcelona ayaa gurigeeda ku lumisay markii labaad muddo afar maalmood gudahood ah iyadoo Lucas Perez uu ka caawiyay goolka kaliya ee looga badiyay kooxda Barcelona ciyaar ku soo dhamaatay 1-0.

Cadiz ayaa markii saddexaad oo isku xigta iska celisay Barcelona, waxaanay ciyaartii hore ee xilli ciyaareedkan ay ku qabatay barbarro halka kulankii kasii horreeyeyna ay ka badisay.

Gool madi ah oo daqiiqaddii 48aad ee bilowga qaybta labaad uu u dhaliyey Lucas Perez ayaa guusha ku hoggaamiyey Cadiz oo goolhayaheeda Jeremias Ledesma uu qabtay shaqo heersare ah.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Cadiz oo usoo dallacday kaalinta 16aad ee horyaalka, isla  markaana  laba dhibcood dhaaftay Real Mallorca iyo Granada oo min 29 dhibcood haysta, kuna kala jira 17aad iyo 18aad.

Barcelona ayaa iyaduna sii xajisatay kaalinteeda labaad, waxaanay isku dhibco yihiin Sevilla oo ay Real Madrid kabadisay xalay, waxaanay haystaan min 60 dhibcood, waxaanay 15 dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa xilli dhamaadka xilli ciyaareedkana ay ka  hadhsan yihiin lix ciyaarood oo kaliya.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*