Home Horyaalka Spain Barcelona oo guul ka gaartay Elche xili uu ka maqnaa Lionel Messi

Barcelona oo guul ka gaartay Elche xili uu ka maqnaa Lionel Messi

0

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Elche kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Estadio Manuel Martínez Valero.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo gashay iyaga oo uu ka maqan yahay kabtankooda Lionel Messi kaas oo ganaax ku seegay kulanka.

Wiilasha Koeman ayaa maamulayay kubada iyaga oo kubad hasashada geeyay 65% halka ay Elcho kaliya lahayd 35% xilli ay Barcelona weerar badnayd.

Wiilasha Koeman ayaa maamulayay kubada iyaga oo kubad hasashada geeyay 65% halka ay Elcho kaliya lahayd 35% xilli ay Barcelona weerar badnayd.

Barcelona ayaa qaadaysay weeraro uu hogaaminyay Dembele kaas oo khatar ku ahaa kooxda Elche waliba aad u dhibay marka la eego in uu isagu kubada ku jiidayay goolkooda.

Laakiin Daafaca Elche ayaa si fiican u ilaaliyay weeraryahanada Barcelona iyaga oo u diiday in ay si dhib yar ku dhaliyaan goolal.

Dhanka kale waxa ay qaadayeen weeraro goos-goos ah oo ay ku doonayeen in ay Barcelona kaga dhaliyaan goolalk.

Daqiiqadii 39-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Frenkie de Jong kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona iyo Elche ayaa helay fursado ay goolal ku dhalin karaan labadooduba laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay goolal u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona hogaaminayso dhanka natiijada sidoo kale si fiican u maamushay ciyaarta.

Qaybta dambe:

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si fiican iyaga oo sii laba jibaaray maamulista ay kubada maamulayaan si ay Elche ugu diidaan in ay kubada haystaan weerarana qaadaan.

Dhanka kale kooxda Elche ayaa bilowgii qaybta dambe dhalin gaadhay gool kadib markii uu daafac Barcelona ah sameeyay khalad laakiin Goolhayaha ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah.

Kooxda Barcelona ayaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay dhaliso goolal laakiin Goolhayaha Elch ayaa si cajiib ah uga badbaadiyay kooxdiisa goolalka Barcelona.

Daqiiqadii 88-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Riqui Puig kaas oo gool ka dhaliyay kubadii ugu horaysay ee uu taabtay kadib badal uu ku soo galay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul ka caawisay in ay kaalinta 3-aad si buuxda uga gasho horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa qaadaysay weeraro uu hogaaminyay Dembele kaas oo khatar ku ahaa kooxda Elche waliba aad u dhibay marka la eego in uu isagu kubada ku jiidayay goolkooda.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here