Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim u ah ka gaartay Kooxda Sevilla kulan ka tirsan Horyaalka la liga oo lagu ciyaarayay Garoonka R. Sanchez Pizjuan kaasi oo ku soo dhamaaday 0-2.
Xidiga Lionel Messi ayaa kulankan wacdaro ka dhigan kadib markii uu labada gool midkooda uu dhaliyay halka goolka labaadna uu isaga caawiye ka ahaa taasi oo keentay in Sevilla guul daro kala kulanto Barcelona.
inkastoo kooxda Barcelona ay kulankan kubad ahaan isku dheeli tirneyd hadana qeybta hore waxay heshay gool kaliya Xidiga Ousmane Dembele ayaana shabaqa ku hubsaday kubad qurux badan uu ka helay Lionel Messi Qeybta hore ayaa lagu kala nastay goolkaasi.
Qeybta danbe Kooxda Sevilla ayaa laga diiday labo gool iyadoo goolka hore Offside lagu sheegay halka midka kalena uu rigoore u muuqday inkastoo Garsooraha uu diiday.
Barcelona ayaana heshay goolka quusiyay rajada Sevilla ee ahaa in ciyaarta ay bar-baro ka dhigto kadib markii uu Xidiga Lionel Messi uu Shaqaba kubad gool hayaha uu soo celiyay isagoo dib ugu celiyay Daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta.
Natiijada ayaa ka dhigan in Barcelona ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo leh 53 dhibcood lakin waa mid ku meel gaar ah madama Real Madrid oo leh 52 dhibcood uu kulan u harsanyahay.
Maxaa Xiga
Barcelona ayaa kulanka xiga la ciyaaridoonta isla Kooxda Sevilla Cope del Rey maalinta Arbacada.
Kulamada kale ee la ciyaaray Horyaalka La Liga