Home Warka Xiisaha Leh Barcelona oo halis ugu jirta in ay lumiso qaar ka mid ah...

Barcelona oo halis ugu jirta in ay lumiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah oo uu ku jiro Lamine Yamal

0

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa halis ugu jirta in ay lumiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah oo uu ku jiro dheemankeeda rikoodh jabiyaha ah ee usoo baxay ee Lamine Yamal oo looga yeedhayo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Barcelona ayaa la sheegay in ay ku qasban tahay inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda bisha January ee waqtiga kooban ka hadhsan yahay, kaddib markii uu horyaalka LaLiga soo saaray mushaharka ugu badan ee loo ogol yahay in ay koox walba bixiso sannadkan oo ay Barcelona si aad ah uga sarrayso intii loo ogolaa.

Xavi Hernandez oo ay kooxdiisu lasoo wareegtay Ilkay Gundogan iyo Joao Cancelo oo labadooduba uga yimid Manchester City, ayaa waxa hadda duruufta ay ku jirto kaga faa’iidaysanaysa Man City oo markeeda ka aargoosanaysa.

Sida ay ku warrantay idaacadda RadioMarca, Man City ayaa doonaysa inay la saxeexato Lamine Yamal oo bishii July ay da’diisu noqotay 16 jir, kaas oo sharcigu uu u ogolaanayo inuu galo heshiis buuxa maadaama ay da’diisu hadda noqotay 16.

Horraantii toddobaadkan, Enric Masip oo ka mid ah boodhka maamulka Barcelona ayaa shaaciyey in uu doonayo in Lamine Yamal iyo Balde ay labaduba halis ugu jireen inay ka tagaan kooxda xagaagii oo ay kooxo waaweyn doonayeen, haddana ay wali khatartii taagan tahay.

Labada ciyaartoyba waxa ay Barcelona isku dayaysaa inay heshiisyo cusub oo waqti dheer ah ka saxeexdo, waxaana la filayay in heshiisyadaas lagu dhawaaqo usbuucyada soo socda, hase yeeshee jaangoynta mushaharka ee LaLiga ayaa u diidaya inay qandaraasyadaasi dhacaan.

Previous articleWar Deg Deg ah:Heshiiska iibka kooxda horyaalka Premier League oo La Dhamaystiray
Next articleBarcelona oo gashay xaalad adag oo ku qasbaysa in ay iibiso ciayartoydeeda waaweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here