Barcelona ayaa la filayay inay dib u heli doonto ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, sida Pedri oo dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey tababarka la samaynayay ciyaartoyda kooxdiisa iyo Ousmane Dembele oo muddo laba bilood ku dhow garoomada ka maqna.
Sida uu xaqiijiyey wariyah ciyaaraha ee Javi Miguel oo ka tirsan wargeyska AS, xiddiga khadka dhexe ee Pedri ayaa laga reebi doonaa liiska ciyaartoyda Barcelona ee El Clasico ee Real Madrid, laakiin waxa uu awoodi doonaa inuu qayb ka noqdo kulamada xiga.
Warkan oo soo baxay waxyar kaddib markii uu wariyaha wargeyska Mundo Deportivo ee Fernando Polo uu sheegay in Pedri uu taam u noqonayo ciyaarta Real Madrid, waxana maqnanshaha Pedri uu dhaawac weyyn ku noqon doona tababare Xavi Hernandez oo kusii darsaday qorshihiisa kulankan.