Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiis cusub oo saddex sannadood ah la gaadhay xiddigeeda da’da yar ee taariikhda xalay ka sameeyey xulka qaranka Spain ee Lamine Yamal, si ay uga xakamayso, isla markaana meesha uga saarto in ay soo hungureeyaan kooxaha waaweyn ee Yurub.
Lamine Yamal ayaa bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkan, waxaana uu xoogsaday boos joogto ah oo uu siiyey tababare Xavi Hernandez, inkasta oo ay da’diisu tahay 16 sannadood oo kaliya.
Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in markii uu laacibkani bandhigga heerka sare ah sameeyey kulamadiisii ugu horreeyey, in Barcelona ay uu soo foodsaaray walaac ah haddii ay sii haysan karayaan laacibkan, hase yeeshee waxay hadda meesha ka saareen walaacaas.
Barcelona ayaa waxay heshiis cusub oo socon doona illaa sannadka 2026 ka saxeexday Lamine Yamal, waxaana sid weyn sare loogu qaadayaa mushaharkiisa oo hadda ahaa midka carruurta ku jirta kulliyadda da’yarta.
Waxa sidoo kale heshiiskan oo kale ay Barcelona ka saxeexday difaaca bidix ee da’da yar ee Alejandro Balde oo isaguna saxeexay heshiis shan sannadood ah oo dabar lagaga dhigay qodob dhigaya in kooxdii hunguraysa ay bixiso 1 bilyan oo Euro.
Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa u arka Lamine Yamal in uu yahay dheemanka hoggaamin doona kooxdiisa hadda iyo mustaqalkaba, sidaas daraadeedna ay tahay in loola dhaqmo sida ciyaartoyda waaweyn oo la siiyo heshiis ciyaartoy weyn.