Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis’ la gashay Pedri heshiis cusub oo shan sano ah oo uu ku joogo Camp Nou.
18 jirkaan ayaa qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda reer Catalan waxa uu dhacayaa xagaaga soo aadan, inkastoo kooxda ay fursad u heysatay inay heshiiska u kordhiso labo sano oo kale.
Pedri ayaa hadda ka mid ah xubnaha ugu mushaharka yar kooxda, inkastoo, Barcelona ay wada-hadallo kula jirtay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain si ay uga saxiixato heshiis cusub oo horumar leh.
Waxaa jiray cabsi laga qabay in dhibaatooyinka dhaqaale ee naadiga ay ka hor istaagto inay sii haystaan ​​da ‘yarka aadka loo qiimeeyo.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay saxafiga Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano , labada dhinac ayaa hadda ku heshiiyay heshiis cusub, kaasoo socon doona illaa June 2026.
Romano ayaa sheeganaya in heshiiska cusub la saxiixi karo ‘saacadaha soo socda.
Pedri ayaa dhaliyay afar gool wuxuuna diiwaangeliyay lix caawin 56 kulan oo uu u saftay Barcelona tan iyo markii uu kaga soo biiray Las Palmas bishii June 2020.