Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiis weyn samaysay maanta oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagu, waxaanay heshiis la gaadhay xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo ay kala soo wareegayso Atletico Madrid
23 jirkan oo ay isku dhaceen tababare Diego Simeone ayaa u sheegay naadigiisa in uu doonayo inuu ka tago, iyadoo saddexdii kulan ee ay kooxdiisu dheeshay ee horyaalka LaLiga aan liiska kooxda lagu soo darin laba ka mid ah, ciyaarta kalena kaydka lagu hayay.
Enrique Cerezo oo ah agaasiamah Atletico Madrid ayaa xalay wati dambe u sheegay in ay isku dayayaan in ay 48ka saacadood ee soo socda ku xalliyaan arrinta Joao Felix, isaga oo caddeeyey in laacibkani uu kaliya doonayo inuu tago Atletico Madrid.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Miguel Martin Talaera oo ka tirsan idaacadda Cadena SER, labada kooxood ayaa heshiis ka gaadhay Joao Felix, waxaana uu laacibkani ku tegayaa Camp Nou qaab amaah ah oo uu muddo 12 bilood ah kaga dheeli doono kooxda uu hoggaamiyo tababare Xavi Hernandez.