Barcelona oo heshiis la gaartay Xidig ka tirsan Kooxda Manchester City

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay la soowareegto weeraryahanka Manchester City Ferran Torres mustaqbalka.

21-sano jirkaan ayaa haatan ku jira ololihiisii ​​labaad ee Etihad Stadium, xidigan ayaa kusoo bilowday 31-kulan iyo 12-kulan oo badal ah dhamaan tartamada oo dhan.

Torres ayaa loo arkaa inuu yahay dooqa koowaad ee dhexda weerarka Pep Guardiola ka hor inta uusan dhawaan dhaawac ka soo gaarin Metatarsal, taasoo ay u badan tahay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , wakiiladiisa ayaa ka wada xaajoonaya ka tagista mustaqbalka kooxda Premier League.

Warbixinta ayaa sheegeysa in heshiis uu horey u dhex maray ciyaaryahan iyo kooxda, inkastoo aysan wali wadahadal la yeelan cid ka socota City.

Kooxda Barcelona ayaa lagu eedeeyay in ay u tilmaantay wakiilada Torres in uu door muhiim ah ka ciyaari doono kooxda hadii uu u wareego Camp Nou.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*