Home Horyaalka Ingiriiska Barcelona oo isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka kooxda Chelsea Marcos...

Barcelona oo isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka kooxda Chelsea Marcos Alonso.

0
SOUTHAMPTON, ENGLAND - OCTOBER 06: Marcos Alonso of Chelsea gives a thumbs up to the fans following his sides victory in the Premier League match between Southampton FC and Chelsea FC at St Mary's Stadium on October 06, 2019 in Southampton, United Kingdom. (Photo by Julian Finney/Getty Images)

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso saxiixa daafaca Chelsea Marcos Alonso .

Kooxda reer Catalan ayaa la sheegayaa inay bartilmaameedsaneyso daafac bidix cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo si ay tartan ugu hesho Jordi Alba , iyadoo mustaqbalka Junior Firpo ee kooxda uusan cadeyn.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo , Alonso ayay kooxda Ronald Koeman u aqoonsatay in uu suurtogal u yahay in uu yimaado heerarka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

30 jirkaan ayaa kaliya seddex kulan u saftay Blues intii lagu jiray ololihii 2020-21, halka uusan hal daqiiqo oo kubada cagta ah u ciyaarin kooxda tan iyo dhamaadkii bishii September.

Alonso ayaa in ka badan 150 kulan u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan, inkasta oo uu wali haysto laba sano iyo badh oo uu ku sii joogayo qandaraaskiisa Stamford Bridge.

Xidiga Valencia ‘ee Jose Gaya ayaa sidoo kale la sheegayaa in laga tixgelinayo Barca bishan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here