Barcelona oo isha ku heysa saxiixa Jules Kounde.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso daafaca dhexe ee kooxda Sevilla Jules Kounde ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

23-sano jirkaan ayaa fure u ahaa wadnaha daafaca xilli ciyaareedkan, isagoo ka caawiyay Los Rojiblancos inay shabaqa ilaashadaan 17 kulan 35 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Sport , madaxa Barcelona Xavi ayaa aad ula dhacsan xiddiga heerka caalami ee dalka France, waxaana uu doonayaa inuu daafaca kusoo jiido Camp Nou.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Xavi uu ka warqabo qiimaha sare ee Kounde, oo la rumeysan yahay inuu yahay 68.7 milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka, taasoo Barca aysan awoodin inay bixiso marka loo eego dhibaatooyinka dhaqaale ee ugu dambeeyay.

Kooxda ay xifaaltamaan La Liga ee Real Madrid iyo sidoo kale saddexda kooxood ee Premier League ee Chelsea , Liverpool iyo Manchester United ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseynayaan daafaca dhexe, kaasoo qandaraas kula jira garoonka Ramon Sanchez Pizjuan Stadium ilaa June 2024.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*