Barcelona oo iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd Goncalo Ramos

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay iska dhaaftay fursad ay kula soo saxiixan lahayd weeraryahanka Benfica Goncalo Ramos intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ramos ayaa dhawaan loo diwaan galiyay 14 gool iyo lix caawin 21 kulan oo uu u saftay kooxda Benfica xilli ciyaareedkan isaga oo boos ka helay xulka qaranka Portugal ee ka qayb galaya koobka adduunka.

Ka dib markii uu badel ku soo galay dhammaan seddexdii kulan ee group-yada, waxaa la siiyay billowgii ugu horeysay ee tartanka 16-kii ugu dambeeyay ee ay la kulmeen Switzerland, isagoo bedelay Cristiano Ronaldo .

Laacibka ayaa ciyaarta ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay saddex gool oo ka caawiyay Portugal in ay u soo baxaan wareega 8 dhamaadka kadib markii ay ku badiyeen 6-1.

Halka kaydka Ramos uu kor u kacay tan iyo 16-kii kulan ee ugu dambeeyay, Daily Mail ayaa sheegtay in Barcelona ay u soo bandhigtay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddiga Benfica xagaagii.

Warbixinta ayaa sheegeysa in wakiilka sare ee Jorge Mendes uu kula taliyay kooxda reer Catalan inay lasoo saxiixato weeraryahanka si uu u daboolo Robert Lewandowski .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*