Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski xagaagan, ka dib markii ay qirteen guul darradii kasoo gaartay xiddiga Borussia Dortmund Erling Braut Haaland .
Kooxda reer Catalan ayaa ka mid ah dhowr kooxood oo si xoogan loola xiriirinayo Haaland, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Norway ayaa la sheegay inuu ogolaaday heshiis uu ugu biirayo Manchester City xagaagan.
Sida laga soo xigtay Sport , kooxda Xavi ayaa haatan diirada u saartay Lewandowski, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Poland laga yaabo inuu diyaar noqdo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
33-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareed kale oo cajiib ah ku qaatay Bayern, isagoo u dhaliyay 43 gool, waxaana loo diiwaan geliyay afar caawin 36 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Qandaraaska Lewandowski ee Allianz Arena wuxuu dhacayaa Juun 2023, waxaana la rumeysan yahay inuu doonayo inuu raadiyo koox cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.