Barcelona oo joojinaysa heshiiska Gerard Pique

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay joojin karto heshiiska Gerard Pique dhamaadka xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha qodob ka mid ah heshiiskiisa.

Laacibkii hore ee Manchester United waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii ku sugnaa Camp Nou tan iyo markii ay xagaagii la soo wareegeen Jules Kounde iyo Andreas Christensen oo ka kala yimid Sevilla iyo Chelsea siday u kala horreeyaan.

Ronald Araujo iyo Eric Garcia ayaa sidoo kale ka horeeya Pique , 35 jirkaan ayaa kaliya labo kulan u saftay Barcelona tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Pique ayaa badal kusoo galay ciyaartii ay kooxdiisa 5-1 ku xasuuqday Viktoria Plzen 7dii Sebtember, waxaana uu 90kii kulan ee ugu dambeeyay ciyaaray kulankii ay 4-0 kaga badiyeen La Liga seddex maalmood ka dib.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca dhexe ayaa ku soo laabtay bedelka guushii ay ka gaareen Elche isbuucaan, waxaana lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa isku dhac qolka labiska ah ee Xavi horaantii bishaan.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*