Barcelona ‘oo ka shaqeyneysaa inay qandaraaska u Kordhiso shan ciyaartoy

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeyneyso sidii ay Gavi , Ansu Fati , Pedri , Ronald Araujo iyo Ousmane Dembele qandaraasyo cusub ugu saxiixi laheyd.

Kooxda reer Catalan ayaa si furan uga hadashay wadahadaladii ay la yeesheen Gavi, Fati, Pedri iyo Dembele, iyadoo afarta ciyaaryahanba loo arko inay qeyb muhiim ah ka yihiin qorshaha kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga Talyaaniga Fabrizio Romano , Barcelona ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta daafaca dhexe ee Araujo si loo cusbooneysiiyo.

22 jirkaan ayaa muhiim u ahaa kooxda Ronald Koeman intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo saftay sagaal kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay hal gool.

Heshiiska Araujo ee Camp Nou ayaa dhici doona bisha June 2023, waxaana la sheegayaa in Barcelona ay ka go’an tahay inay la saxiixato xiddiga reer Uruguay heshiis dheer.

Daafaca ayaa 48 kulan u saftay kooxdiisa haatan tan iyo markii uu ka yimid Boston River 2018, isagoo markii hore u soo baxay Barcelona B ka hor inta uusan u gudbin kooxda koowaad.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*