Home Suuqa kala iibsiga Barcelona oo kula dagaalami doonta AC Milan iyo Borussia Dortmund saxiixa Noussair...

Barcelona oo kula dagaalami doonta AC Milan iyo Borussia Dortmund saxiixa Noussair Mazraoui.

0
Ad

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay kula dagaalami doonto AC Milan iyo Borussia Dortmund saxiixa daafaca Ajax Noussair Mazraoui dhamaadka xilli ciyaareedkan.

24-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Amsterdam wuxuu dhacayaa dhamaadka bisha June, waxaana lagu heli karaa beeca xorta ah, iyadoo kooxo badan la rumeysan yahay inay ugaarsanayaan saxiixiisa.

Ad

Sida laga soo xigtay Telegragh, inkastoo ay xiiseynayaan Premier League, Mazraoui ma xiiseynayo inuu u dhaqaaqo England marxaladan xirfadiisa ciyaareed.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay si adag u ugaarsato saxiixiisa, waxaana tartanka ugu xoogan kooxda Catalan ka imaanaya Milan iyo Dortmund.

Mazraoui ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay heerka kooxda intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo u saftay 28 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qayb qaatay shan gool iyo afar caawin.

Dhanka kale, xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco ayaa dhaliyay 10 gool waxaana loo diiwangeliyay sagaal caawin 130 kulan oo uu u saftay Ajax tan iyo markii uu u saftay kooxda reer Holland 2018.

Previous articlePaolo Maldini ayaa xaqiijiyay xiisaha Barcelona ee Franck Kessie
Next articleManchester City oo wadahadalo kula jirta Erling Braut Haaland iyo Mino Raiola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here