Home Warka Xiisaha Leh Barcelona oo lagu Wargaliyay inaysan heli doonin xiddiga uu calmaday tababare...

Barcelona oo lagu Wargaliyay inaysan heli doonin xiddiga uu calmaday tababare Xavi Hernandez

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo sheegay, in wax kasta oo ay samayso aanay heli doonin xiddiga uu calmaday tababare Xavi Hernandez ee Joshua Kimmich oo waqti dambe kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee Blaugrana.

Barcelona ayaa la sheegay in 28 jirkan ay ka dhiganayso bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa xagaaga si uu ugu buuxiyo booska uu bannaynayo Sergio Busquets oo si xor ah uga tegaya.

Ad

Gellinkii hore ee maanta ayay soo baxeen warar sheegaya in Joshua Kimmich anu ku faraxsanayn Bavaria oo uu doonayo inuu iskaga tago xagaaga soo socda, inkasta oo uu yahay halbowle iyo laf-dhabar, halka kooxdiisuna ay danaynayso Declan Rice oo ay kula tartami doonto kooxaha Premier League haddii uu laacibkeedani go’aansado inuu tago.

Sida uu ku warramay wariyah ciyaaaraha ee Tobi Altschaffl oo ka tirsan wrgeyska BILD, Bayern Munich ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay damaca Barcelona, waxaanay u sheegtay in aanu iib ahayn, isla markaana anu ku fasixi doonin xataa haddii miiska loo saaro €100 milyan oo Euro.

Kimmich oo siddeed sannadood oo uu u ciyaaray Bayern Munich kula guuleystay siddeed horyaal, Champions League iyo koobab kale oo badan, ayaa waxa ay Barcelona hadda ku qasban tahay in ay ka quusato, una leexato dhinaca xiddigihii hore loola xidhiidhinayay ee Martin Zubimendi, Sofyan Amrabat, iyo Ruben Neves.

Previous articleCarlo Ancelotti oo digniin u diray xiddigaha kooxdiisa kahor kulanka muhiimka ah ee ay caawa martida ugu yihiin Manchester City.
Next articleReal Madrid oo laga gudbiyey dacwad sababi karta in laga jaro dhibco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here