
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay miisaamayso u dhaqaaqista xiddiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Marcelo Brozovic iyo garabka Wolverhampton Wanderers Goncalo Guedes .
Iyadoo Memphis Depay uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan La Liga ee Atletico Madrid qiimo u dhexeeya €3m (£2.6m) iyo €4m (£3.5m) , Barcelona ayaa ka fikiraysa inay lacagtaas u isticmaasho suuqa January.
Ka dib guushii raaxada aheyd ee Barcelona 5-0 kaga badisay kooxda heerka seddexaad ee Cueta Copa del Rey khamiistii, Xavi wuxuu muujiyay inuu doonayo inuu xoojiyo kooxdiisa bishaan.
Sida laga soo xigtay Marca , madaxda Barcelona ayaa haatan ka tashanaya inay si qoto dheer u galaan suuqa kala iibsiga, ama ay u isticmaalaan dhaqaalaha ay ka heli doonaan bixitaanka Depay ee dhow si ay u horumariyaan qandaraasyada Alejandro Balde , Ronald Araujo iyo Gavi.
Warbixintu waxay sheegtay in haddii Catalans ay go’aansadaan inay xoojiyaan darajooyinkooda, markaas waxay u wareegi karaan ugu yaraan mid ka mid ah Brozovic ama Guedes.
Be the first to comment