Barcelona ayaa qarka u saaran inay shaaciso saxeexeedii koowaad ee suuqa xagaaga oo u noqonaya daafaca dhexe ee Inigo Martinez oo Athletic Bilbao kaga imanaya.
31 sano jirkaas ayaa u muuqda mid ay hubaal tahay inuu Camp Nou ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe marka heshiiskiisa Bilbao dhaco xagaagan.
Athletic ayaa hore kalsooni ugu qabtay in Martinez heshiis kordhin u samayn doono balse ciyaaryahanka ayaa diiday isagoo doonaya inuu meel kale oo gudaha Spain ah isku tijaabiyo.
Sida uu haatan sheegayo saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano, Inigo Martinez ayaa toddobaadyo kahor tijaabada caafimaadka u maray Barcelona saxeexayna heshiis laba sano ah oo ilaa 2025 gaadhsiisan.
Mid kamida sababaha waaweyn ee Xavi Hernandez u doonayo Martinez ayaa ah inuu yahay daafac dhexe oo lugta bidix ku ciyaaro ciyaaryahan noocaas oo kale ahna uusan haatan ku haysan Camp Nou.
Martinez ayaa la filayaa inuu noqdo bilawga saxeexyo badan oo Blaugrana xagaagan samayso, xiddigaha kale ee lala xidhiidhinayo waxa kamid ah Lionel Messi iyo Ilkay Gundogan.