Home Horyaalka Ingiriiska Barcelona oo qiimeeneysa dalabyada Antonio Rudiger iyo Fabian Schar

Barcelona oo qiimeeneysa dalabyada Antonio Rudiger iyo Fabian Schar

0

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay dalab u dirto Antonio Rudiger iyo Fabian Schar .

Xili ay Barcelona la tacaaleyso arrimo dhaqaale oo muhiim ah, Ronald Koeman ayay tahay inuu sameeyo badalka daafaca dhexe oo muhiimka ah kaasi oo gali kara booska Gerard Pique .

Dhaawaca muddada dheer ah ee xiddiga reer Spain ayaa la filayaa inuu u horseedo kooxda reer Catalan inay keensato dookh cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay The Athletic , Rudiger iyo Schar, oo ka kala tirsan Chelsea iyo Newcastle United ayaa loogu daray liiska Barcelona sida ay u kala horeeyaan.

Midkoodna looma tixgeliyo inuu yahay dookha koowaad ee kooxdooda haatan, taasoo fursad u siineysa ku biiristooda kooxda Barcelona.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in Manchester City aysan diyaar u aheyn inay iska iibiso Eric Garcia , oo bartilmaameed waqti dheer ah u ah kooxda ka ciyaarta La Liga.

Previous articleManchester United iyo Manchester City oo la xiriiray wakiilka David Alaba
Next articleShan ciyaaryahan oo Premier League ka ciyaara oo raadinaya dhaqaaqitaanka bisha Janaayo ee Suuqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here