Barcelona oo qorsheyneysa inay 83 milyan ginni ku soo xerogeliso Erling Braut Haaland

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay waddo qorshe ay ku uruurineyso lacagta looga baahan yahay saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland xagaagan.

Heshiiska lagu burburin karo qandaraaskiisa, 21-sano jirkaan ayay u badan tahay inuu ka tago Westfalenstadion dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajaha Barcelona si wanaagsan ayaa loo diiwaan geliyay, kooxda reer Catalan waxay u baahan tahay inay xalliso arrimahaas ka hor inta aysan ka fikirin dalab heersare ah oo ku aaddan xiddiga heerka caalami ee dalka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Goal , saraakiisha kooxda ayaa qorsheynaya inay iibiyaan 49% saamiga shirkadooda wax soo saarka warbaahinta ee Barca Studios.

Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in tallaabadan oo kale ay kor ugu kici doonto 100 milyan oo Yuuro (£83m), lacag ka badan inta loo baahan yahay si loo dhaqaajiyo lacagta lagu burburin karo qandaraaska Haaland.

Barcelona ayaa sidoo kale ku qasbanaan doonta in ay hoos u dhigto qarashka Ousmane Dembele kaas oo haatanba qarka u saaran inuu ka tago kooxda La Liga bishaan ama xagaaga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*