Barcelona oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 26 jirka khadka dhexe ee Manchester United

Kubadsameeyaha Manchester United Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu ka soo muuqday bartilmaameed lama filaan ah oo uu ugu biirayo kooxaha waa weyn ee El Classico, Barcelona iyo Real Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ayaa ku riyaaqay wax soo saar wax ku ool ah 11kii bilood ee ugu horeysay ee Old Trafford, isagoo 18 jeer shabaqa soo taabtay, 13 kalena caawiye ka ahaa kaliya 33 kulan.

Iyadoo Bruno Fernandes uu heysto heshiis gaaraya ilaa 2025, Red Devils ayaa ku jirta boos fiican oo ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Fichajes, Fernandes wuxuu eegi doonaa inuu ka tago kooxdaa culus ee Premier League haddii arrimuhu aysan horumar ka sameynin kooxda.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in 26 jirkaan kubadsameeyaha ah ‘inuu ka daalay’ jawiga Old Trafford, taasoo ka dhigeysa inuu ka fikiro mustaqbalkiisa dheer.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*