Home Suuqa Kala iibsiga Barcelona oo sare u qaaday dalabkii ay ku doonaysay xiddiga garabka uga...

Barcelona oo sare u qaaday dalabkii ay ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams.

0

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay sare u qaaday dalabkii ay ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams.

Blaugrana ayaa dhawaan xoojisay weerarka Hansi Flick iyadoo €60 milyan ay kusoo iibsatay Dani Olmo oo ka yimid RB Leipzig.

Ka dib markii ay hubiyeen saxiixa Olmo, Barcelona ayaa u muuqata inay ku dhowdahay inay diirada saarto saxiixa saaxiibkiisa Spain ee Williams.

Kooxda reer Catalan ayaa lala xiriirinayay 22 jirkaan inta badan suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin dhawaan ayaa la sheegay in Williams uu u janjeero inuu la sii joogo Athletic ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaan dooneynin inay ka tanaasulaan baacsiga ay ku hayaan, waxaana ay weli ku riixayaan saxiixa Williams ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 30ka August.

Williams ayaa qandaraaskiisa Athletic waxaa lagu burburin karaa €55 milyan , waxaana ay u muuqataa inuu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda Basque ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay Sport, Williams ayaa u sheegay Barcelona inuu doonayo inuu dhameystiro u dhaqaaqista kooxda Catalan xagaagan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay ku qanacsan tahay inay la soo saxiixan doonto Williams, waxaana ay ku rajo weyn tahay inay soo gabagabeyn karaan heshiiska toddobaadka soo socda.

Barcelona ayaa go’aansatey inay dib u mideeyso Williams iyo Lamine Yamal ka dib markii ay labadan ciyaaryahan door muhiim ah ka qaateen guushii Spain ee Euro 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here