Barcelona oo shaacin doonta saxiixeedii koowaad ee xagaagan oo noqonaya xiddig weyn

MEDINA/AFP/Getty Images)

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacin doonta saxeexeedii koowaad ee xagaagan oo noqonaya xiddig weyn oo in muddo ah la sugayay in la dhamaystiro heshiiskiisa.

Barcelona ayaa in muddo ah la sheegayay inay heshiisyo la gaadhay laba ciyaartoy oo ay si xor ah kula soo wareegayso laba xiddig oo duruufo dhaqaale oo dabar ka dhigayay in lagu dhawaaqo heshiiskooda.

Kooxda reer Spain oo diyaar garowga xilli ciyaareedka dambe bilaabaysa bisha July ayaa ka hor inta aanay ciyaartoydeedu tababarka kusoo laabanin, waxay dhamaaystiri doonaa ugu yaraan saddex saxeex oo midkii koowaad haddaba la diyaarinayo shaacintiisa.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Barcelona ayaa waxay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doontaa saxeexa xiddiga khadka dhexe ee reer Ivory Coast ee Franck Kessie oo ay si xor ah ugala soo wareegeen AC Milan.

25 jirkan ayaa kusoo biiri doona kooxda Barcelona, waxaana loo arkaa in uu yahay ciyaartoyga beddeli doona Sergio Busquets, waxaana ku xigi doona oo isagana ay Barcelona heshiiiskiisa ku dhawaaqi doontaa difaaca ay Chelsea sida xorta ah uga soo qaadanayso ee Andreas Christensen oo 26 jir ah.

Marka ay Barcelona labadan saxeex shaaciso ayay sidoo kale iskudaygeeda ugu dambeeya u samayn doontaa sidii ay ula soo wareegi lahayd weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Sidoo kale, waxa lala xidhiidhinayaa Barcelona ciyaartoyda ay ka mid yihiin Jules Kounde,  Bernardo Silva, Cesar Azpilicueta iyo Marcos Alonso halka ay laacibka da’da yar ee Pablo Torre ay isagana kasoo qaateen Racng Santander

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*