Barcelona oo soo dhaweesay dalabka Man Utd ee De Jong

Barcelona ayaa ku faraxsan dalabka Manchester United ee Frenkie de Jong .

Cadena SER ayaa sheegtay in dalabka United uu yahay 60 milyan oo Yuuro oo lagu daray 20 milyan oo guno ah, taasoo ay si diiran u heshay Barcelona .

Barcelona waxa ay og tahay in ay heshiis fiican ku heli karto ciyaaryahan markii hore ku kacay 75 milyan. Dalabka United ayaa u ogolaanaya in ay iska dhaafaan De Jong 40-ka milyan ee ka haray mushaarkiisa, halka ay u ogolaaneyso in ay faa’iido gaareyso 50 milyan.

Tiradaas ayaa ka caawin doonta inay yareeyaan khasaarihii xilli ciyaareedkii hore, inkastoo Barca ay ku kalsoon tahay inay qiimo intaas ka badan ka heli karto United.

Caqabadda jirta ayaa ah ciyaaryahanka, kaasoo haatan ka biyo diidan inuu ka tago Nou Camp xagaagan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*