Barcelona oo u dhaqantay si aysan waxba reebanayn iyadoo xiddigaha qaar waxkasta ku samaysay si ay kooxdeeda uga caydhiso

Barcelona ayaa suuqii xagaaga u dhaqantay si aysan waxba reebanayn iyadoo xiddigaha qaar waxkasta ku samaysay si ay kooxdeeda uga caydhiso, siyaasadaas ayaa in badan shaqaysay.

Mid kamida xiddigaha kaddib is jiid-jiidad dheer qancay ee aqbalay in heshiiskiisa la kansalo ayaa ah weeraryahan Martin Braithwaite oo ku biiray kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Espanyol.

Braithwaite ayaa diiday inuu aqbalo dalabkii kooxda ee ahaa in heshiiskiisa oo gaadhsiisnaa ilaa 2024 la kansalo isagoo doonayay in dhammays loo siiyo mushaharka uu mudadaas qaadan lahaa.

31 sano jirkaas ayuu eedeeyay tababare Xavi Hernandez isaga oo saddexdii kulan ee ugu horreeyay La Liga gabi ahaanba safka kooxda ka reebay.

Martin oo la hadlayay wargeyska Danish-ka ah ee Ekstra Bladet ayaa kula taliyay shaqsiyaadka kooxdaasi ku sugan inay u tudhaan oo ilaaliyaan caafimaadka maskaxeed ee dadka kale.

“Miyaan u qaatay sida inay caga-juglayn ahayd, dhab ahaan ma garanayo balse waxaan filayaa inay muhiim tahay inaad markasta ka fikirto caafimaadka maskaxeed ee dadka kale” ayuu yidhi Braithwaite.

“Taasi waa sida ay tahay, waan ogahay sida ay wax uga shaqeeyaan dunidan nasiib darro kubadda cagtuna sidoo kale waa ganacsi”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*