Home Falanqeynta Kulamada Barcelona oo u gudubtay wareega Sideeda ee Copa Delrey kadib guushii xalay.

Barcelona oo u gudubtay wareega Sideeda ee Copa Delrey kadib guushii xalay.

0

Kooxda barcelona ayaa u gudubtay wareega xiga ee koobka boqorka Spian ee Copa Del Rey Kadib guushii ciriiriga ahaa ay ka gaareen kooxda Rayo Vellcano oo ay ku booqdeen garoonkooda.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dardar xoogan oo u badan dhanka barcelona iyadoona qeybta hore labo jeer birta garaaceen Barcelona laakin aysan u suuro gelin in gool ka dhaliyaan kooxda Rayo Vallcano waxaana qeybta koobaad lagu kala baxay barbaro.

Markii dib laysku soo laabtay ayaa waxaa bilaabatay weerar iyo weerar celis labada kooxood ah waxaana goolka koobaad lagu bilaabay kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Barcelona waxana goolka ka dhaliyey xidiga fran Garcia daqiiqadii      63 aad kadib barcelona ayaa raadineysay sidii ay kusoo celin lahaayeen goolkii lagu lahaa.

Kooxda barcelona waxaa u suurto gashay in ay iska keenaan goolka bareejada waxaana u dhaliyey kabtanka Argentin iyo barcelona Lionel messi daqiiqadii 69aad waxaana goolka guusha kusii xijiyey xidiga qadka dhexe ee Wadanka holand Frank de jong daqiiqadii 80aad.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here