Barcelona oo wadahadalo kula jirta Cesar Azpilicueta

Reuters

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto daafaca kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta kaas oo ku saabsan u dhaqaaqista Camp Nou.

Qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ee Blues ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, waxaana Barcelona si xoogan loola xiriirinayay 32-sano jirkaan isbuucyadii lasoo dhaafay.

Sida uu xaalku yahay, Azpilicueta waxa uu xor u yahay in uu wadahadalo heshiis kordhin ah la yeesho kooxo ajnabi ah, sida uu sheegay saxafiga Isbaanishka ee Jose Alvarez , xiddiga reer Spain ayaa wadahadalo kula jira kooxda reer Catalonia si uu ugu biiro Camp Nou.

Alvarez ayaa sheegay in kooxda Xavi ay u soo bandhigtay qandaraas ku eg ilaa June 2024, iyadoo Chelsea ay sugeyso inay ogaato haddii ciyaaryahanka reer Spain uu doonayo inuu heshiis cusub u saxiixo Stamford Bridge.

Azpilicueta ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Blues intii lagu jiray ololaha 2021-22, isagoo u saftay 27 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay seddex caawin.

Barcelona ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseyneyso saxiixa Azpilicueta saaxiibkiis Andreas Christensen , iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark uu qandaraaskiisa Stamford Bridge dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*