Barcelona oo wadahadalo kula jirta Xidiga Javi Galan ee kooxda Celta Vigo

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto Celta Vigo oo ku aadan daafaca Javi Galan , iyadoo kooxda reer Catalonia ay dooneyso inay lasoo saxiixato daafac bidix oo cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Marcos Alonso ayaa weli si weyn loola xiriirinayaa inuu u wareegayo Camp Nou, laakiin waxaa jiray soo jeedinno sheegaya in uu joogsaday heshiiska xiddiga heerka caalami ee dalka Spain.

Natiijo ahaan, sida laga soo xigtay AS , Barcelona ayaa dareenkeeda u weecisay Galan, iyadoo kooxda reer Catalan ay u aragto ciyaaryahan awood u leh inuu kula tartamo Jordi Alba booska daafaca bidix xilli ciyaareedkan.

Alba ayaa loo magacaabay kursiga keydka kulankii axada ee La Liga ee ay la ciyaareen Real Sociedad, iyadoo 18-sano jir Alejandro Balde uu ka ciyaaray dhanka bidix, laakiin tababare Xavi ayaa la sheegay inuu doonayo tartan khibrad leh oo uu ku helo dooqa koowaad ee daafaca bidix ee kooxda xilli ciyaareedkan. .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*