Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay wali u baahan tahay in ay isku dheelitirto buugaagteeda ka hor inta ayna diiwaan galin saxiixyada cusub ee xagaaga.
Kooxda reer Catalonia ayaa bilowgii bishan dhamaystirtay saxiixyada Franck Kessie iyo Andreas Christensen oo ay si xor ah uga kala soo wareegeen AC Milan iyo Chelsea.
Garabka reer Brazil ee Raphinha ayaa dhawaan kaga soo biiray Leeds United qiimo lacageed oo dhan 58 milyan oo Yuuro , ka hor inta aanu Robert Lewandowski dhamaystirin 50 milyan oo euro (£42.5m) uu kaga soo wareegay Bayern Munich todobaadkii hore.
Dhammaan afarta ciyaaryahan ayaa ka qeyb galay kulankii ay Barcelona 1-0 kaga badisay kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka La Liga ee Real Madrid Axadii safar ay ku mareen USA, iyadoo Raphinha uu dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta qeybtii hore.
Si kastaba ha ahaatee, afarta kooxood ee cusub ee Barca ayaa hadda halis ugu jira inay seegaan kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka 2022-23 ee ay gurigooda ku booqan doonaan Rayo Vallecano bisha soo socota.