Xidiga kooxda barcelona Pedri wuxuu maray baaritaano caafimaad subaxnimadii maanta waxaana la xaqiijiyay inuu dhawac ka yahay muruqyada lugta bidix isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo waqti aan la hubin.
Xidiga reer spain wuxuu ciyaaray 71 daqiiqo oo ah guushii 2.0 ee Sevilla Sabtidii, ka hor inta uusan dhaawac soo gaarin oo lagu bedelay Ilaix Moriba.
Pedri wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu caansanaa Ronald Koeman xilli ciyaareedkan, isagoo soo muuqday 37 kulan, isagoo dhaliyay seddex gool isla markaana geystay afar caawin.