Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa inuusan u ciyaaridoonin markale Barcelona xilli ciyaareedkan madaama kooxda reer Catalan ay dooneyso inay ka fogaato inay lacag badan siiso Liverpool .
Xiddiga reer Brazil ayaa isku badalay naadiyadii bishii Janaayo 2018 lacag gaareysa 2 142m.
Mid ka mid ah lacagahaas ayaa la xiriirta tirada kulamada la ciyaaray, ee lacagta lagu dhimayo ee Barca lagu sheegay inay ka taxadarayaan.
Saxafiga Isbaanishka Javi Miguel , oo wax u qora AS , ayaa sheeganaya in kooxda La Liga ay sidaas darteed isku dayi doonto inay ka fogaato adeegsiga Coutinho inta u dhaxeysa ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.
28 jirkaan ayaa haatan ku maqan dhaawac jilibka ah, laakiin waxaa la filayaa inuu garoomada ku soo laabto horraanta bisha Maarso – labo bilood ka hor inta uusan dhammaan xilli ciyaareedka 2020-21.