Home Suuqa kala iibsiga Barcelona oo xiiseynaysa daafaca kooxda inter Alessandro Bastoni.

Barcelona oo xiiseynaysa daafaca kooxda inter Alessandro Bastoni.

0

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay la soo saxiixato daafaca Inter Alessandro Bastoni, sida laga soo xigtay Calciomercato kooxda blougrana ayaana dhibaato daafac dhexda kaga jirta Sanadihii lasoo dhaafay.

Kooxda reer Catalan ayaa doonaysa inay la soo wareegaan daafaca dhexe ee da’da yarka ah muddo dheerna ciyaari kara waana bastoni  oo 21 jir ah oo u dhashay wadanka talyaaniga.

Si kastaba ha noqotee, Inter ayaa ka caga jiideysa inay u ogolaato ciyaaryahanka inuu baxo waxaana ay ugu yaraan labo jibaari doonaan 30 milyan euro (£ 26m / $ 36m) oo ay Atalanta ka siisay Bastoni seddex sano ka hor.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here