
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie ayaan weli go’aansan mustaqbalkiisa.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga.
Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in Barcelona ay la hadashay wakiilka Kessie, iyagoo rajeynaya inay bilaash ku helaan xagaaga.
Xiddiga reer Ivory Coast ayaa wali ka fikiraya inuu dib u cusbooneysiiyo Milan, ama uu u dhaqaaqo koox sare oo ka dhisan horyaal kale oo Yurub ah.
Tottenham, Manchester United , iyo kooxaha kale ee Premier League ayaa lala xiriirinayay Kessie bilihii la soo dhaafay.
Be the first to comment