Barcelona, ​​Tottenham Hotspur oo ka mid ah kooxaha xiiseynaya Paulo Dybala

Photo/AFP

Barcelona iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin laba ka mid ah afarta kooxood ee xiiseynaya saxiixa weeraryahanka Juventus Paulo Dybala xagaagan.

28-sano jirkaan ayaa arki doona qandaraaskiisa Turin oo dhacaya xagaaga, waxaana uu haatan xor u yahay inuu heshiis hordhac ah la galo kooxo ajnabi ah.

FootballTransfers ayaa ku warameysa in Dybala iyo Juve ay ku heshiiyeen heshiis cusub oo 10 milyan euro sanadkii ah dhamaadka 2021, laakiin ciyaaryahanka ayaan saxiixin heshiiska

Warbixinta ayaa haatan sheegeysa in mustaqbalka xiddiga reer Argentine ee Juve uu yahay ‘mid halis ah’ iyadoo Barcelona, ​​Atletico Madrid , Spurs iyo Inter Milan ay si dhow ula socdaan xaaladiisa ka hor inta uusan u dhaqaaqin xagaagan.

Barcelona ayaa dooneysa inay xoojiso weerarkeeda, waxayna u aqoonsatay Dybala bedelka raqiis ah xagaagan, halka kooxda La Liga ku xifaaltamaan ee Atletico ay sidoo kale xiiseyneyso weeraryahanka, iyadoo tababare Diego Simeone uu jecel yahay ninka ay isku dalka yihiin Tottenham ayaa dhankeeda dooneysa saxiixa xidigan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*