Bartilmaameed hore oo Liverpool ah ayaa daaha ka qaaday inuu go’aansaday inuu diido u dhaqaaqista Anfield inkastoo uu u duulay England isla markaas la kulmay Jurgen Klopp.
Piotr Zielinski ayaa waayihiisii Napoli aad u jeclaayeen kooxaha ugu waa wayn Yurub, iyadoo Liverpool ay ka mid tahay kooxaha doonaya.
Reds ayaa aad ugu riixday inay Zielinski keento Merseyside laakiin ma ahayn kooxda kaliya ee loolanka ugu jiray saxiixiisa.
Kooxaha sida Manchester United, Barcelona iyo West Ham ayaa dhamaantood xiiseynayay ciyaaryahanka khadka dhexe halka Arsenal ay sidoo kale ku dhawaatay inay la wareegto.
Waxa uu sidoo kale si dheer ula hadlay Klopp ka dib markii uu u safray gurigiisa markii u dhaqaaqista Anfield ay u muuqatay mid macquul ah.
“Jurgen Klopp ayaa igu casuumay gurigiisa,” ayuu yiri.
“Liverpool waxay ii soo dirtay diyaarad khaas ah si ay ii soo qaado, waan naxay sababtoo ah waxay ahayd markii ugu horaysay ee aan ku safro gaadiidkaas, markii aanu soo degnay, waxaanu raacnay baska si aanu u aadno guriga Klopp”.
“Wadahadalku waxa uu ahaa mid aad u fiican, Klopp waxa uu ii sheegay in aan ahay isku dhafka, [Cesc] Fabregas iyo [Ilkay] Gundogan fikirkiisa, waxba maan fahmin, laakiin wakiilkaygu waxa uu ku hadlay Jarmal, wax walbana ii sheegay, markii aanu baxaynay. Waxa aan ku guulaystay in aan sawir la galo Klopp”.