Julian Nagelsmann ayaa badiyay kulankiisii 100-aad ee Bundesliga iyadoo Jamal Musiala uu dhaliyay gool soo laabasho ah oo ay 2-1 kaga badiyeen Mainz.
Bayern ayaa dhibaato ka soo gaartay guushoodii Champions League ee ay ka badiyeen Barcelona, iyadoo ay ka maqan yihiin dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah – waxay ka maqnaa qaab ciyaareedkii fiicnaa kulankooda maanta.
Mainz ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 22aad – Onisiwo ayaa madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Jonathan Burkardt lakin waxaa goolkaasi ka bar-bareeyay qeybta labaad ee ciyaarta Kingsley Coman isagoo taabasho ku dhameestiray kubad loo dhigay ciyaarta oo socota 53 Daqiiqo.
kooxda heysata horyaalka ayaa ugu dambeyntii lahaa tayo aad u badan, iyadoo Musiala, uu ku ciyaarayay door khadka dhexe ah oo aan horay looga baran, isagoo dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaa ku soo idlaatay 2-1.
Natiijo ahaan Bayern ayaa leh 37 dhibcood waxana ku soo xigta Dortmund oo leh 31 Dhibcood.
Bayern ayaa u safri doonta Stuttgart talaadada, kulankooda ugu dambeeya ee 2021. Mainz, ayaa dhanka kale martigelin doonta Hertha Berlin.