Bayern Munich 3-2 RB Leipzig: Muller iyo Lewandowski oo gool ka dhaliyay kulankan

Alexander Hassenstein/Getty Images

Thomas Muller iyo Robert Lewandowski ayaa gool dhaliyay iyadoo Bayern Munich ay 3-2 kaga badisay RB Leipzig kulan ka tirsan Horyaalka Germalka.

Thomas Muller ayaa goolashada daah furay Daqiiqadii 13aad inkastoo Andre Silva uu dhaliyay goolka bar-baraha 27 Daqiiqo ciyaarta oo socota.

Dhamaadka qeybta hore Robert Lewandowski ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Bayern Munich iyadoo lagu kala nastay 2-1.

qeybta labaad Christopher Nkunku ayaa shabaqa ku hubsaday gool isagoo ciyaarta ka dhigay bar-baro Daqiiqadii 53aad iyadoo Leipzig ay mar kale barbareysay.

J. Gvardiol oo ka tirsan kooxda RB Leipzig ayaa iska dhaliyay gool taasi oo ka caawisay Bayern Munich inay gaarto guul Dirqi ah.

Bayern Munich ayaa hogaanka ku heysa 52 Dhibcood halka Borussia Dortmund oo ku soo xigto ay leedahay 43 dhibcood.

Bayern waxay u safri doontaa Bochum Sabtida soo socota, halka Leipzig ay martigelin doonto Cologne maalin ka hor.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*