Thomas Muller ayaa sameeyay taariikh halka, Robert Lewandowski uu jabiyay rikoorkii Gerd Muller ee mudada dheer soo jiray iyadoo hogaamiyaasha Bundesliga ee Bayern Munich ay 4-0 kaga badisay Wolfsburg.
Muller ayaa dhaliyay goolkiisii ​​400-aad ee uu u safto Bayern isagoo dhaliyay goolkii furitaanka ka dib toddobo daqiiqo oo ciyaarta socoto kulan ka dhacay Allianz Arena, ka hor inta uusan xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ee Dayot Upamecano uusan dhalin goolka labaad Daqiiqadii 57aad.
Leroy Sane ayaa ku daray goolkii seddexaad ee kooxda Julian Nagelsmann Daqiiqadii 59aad ee ciyaarta Xidiga Lewandowski ayaana ku daray goolka afaraad oo ahaa kii 43aad ee horyaalka sanadka 2021 si uu uga dhaafo rikoorka gooldhalinta Bundesliga ee halyeyga Bayern Gerd Mulleree sanadlaha ah ee Bundesliga.
Hogaamiyeyaasha Bayern ayaa 9 dhibcood ku hogaaminaya Horyaalka, iyadoo Dortmund – oo sabtida la ciyaari doonta Hertha Berlin ay fadhiso kaalinta labaad.
Bundesliga ayaa hada la galayaa fasax ilaa 2022. Bayern ayaa ku soo laabanaysa gurigeeda si ay u soo dhaweeyso Borussia Monchengladbach January 7, halka Wolfsburg ay booqan doonto Bochum laba maalmood ka dib.Â