Bayern Munich oo 5-0 uga badisay kooxda Hertha Berlin, Robert Lewandowski oo Saddexley Dhaliyay kulankan

Kooxda Bayern Munich ayaa halkeeda kasii wada guulaheeda horyaalka Germalka iyagoo garoonkooda ku xasuuqay kooxda Hertha Berlin ciyaar ku soo dhamaatay 5-0, Waxaa Xusid mudan in kulankan uu Saddaxley dhaliyay Robert Lewandowski.

Sharaxaada Ciyaarta

Kooxda Bayern Munich ayaa qeybta hore ee ciyaarta heshay labo Gool iyadoo goolka hore uu dhaliyay Thomas Mueller Ciyaarta oo socota 6 Daqiiqo waxana goolka labaad ku daray Robert Lewandowsk daqiiqadii 35aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay 2-0.

isku soo laabadka qeybta labaad Bayern Munich ayaa halkeeda kasii waday bandhigeeda Goolasha waxana goolka 3aad u dhaliyay Jamal Musiala daqiiqadii 49aad iyadoo labo gool uu raacsaday Robert Lewandowski Daqiiqadihii 70aad iyo 84aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 5-0.

Shaxda Kulanka 

Bayern XI: Neuer, Muller, Lewandowski, Sule, Goretzka, Gnabry, Kimmich, Upamecano, Alphonso Davies, J. Stanišić, J. Musiala

Subs: Choupo-Moting, Coman, O. Richards, C. Richards, Kouassi

Hertha XI: Jovetic, Boyata, A. Schwolow, Selke, N. Stark, D. Lukébakio, Serdar, M. Mittelstädt, Tousart, D. Zeefuik, Ascacibar

Subs: Pekarík, Belfodil, Darida, N. Körber, L.Klünter, Torunarigha, M. Richter, D. Jastrzembski, J. Dilrosun.

Kulanka Xiga

Bayern Munich ayaa kulankeeda xiga la ciyaareysa kooxda Rb leipzig 11-ka bisha

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*