Bayern Munich ayaa weerar ku qaadaysa akadeemiyada Barcelona ee La Masia oo ay ka doonayaan da’yarka Adam Aznou .
Wargayska Sport ayaa sheegaya in Bayern ay Borussia Dortmund kaga horayso da’yarka dambeedka bidix.
Aznou ayaa hore u diiday soo jeedinta Bayer Leverkusen , Juventus iyo Benfica .
Xidigan ayaa 16 jirsan doona Juun 2 wuxuuna noqonayaa wakiil xor ah bishaas.
Daafaca bidix, ee asal ahaan ka soo jeeda Morocco oo leh laba dhalasho, waa mid ka mid ah ciyaartoyda aadka loo raadsado ee Cadet A.