Bayern Munich oo guul-daro 3-0 dhabarka u saarisay kooxda Barcelona Uefo Champions league-ga

Barcelona oo Caawa lagu ciyaarayay garoonkeeda ayaa guul daro 0-3 kala kulantay kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan Champions league-ga Guruub B.

Bayern Munich ayaa muujisay sida ay uga awood badan tahay Barcelona qaybtii hore, kaddib daqiiqado ay Barca kubbadda si fiican iskugu dhiibaysay oo ay rajo gelisay taageereyaasheeda.

Thomas Muller ayaa daqiiqaddii 34aad waxa uu Bayern Munich u dhaliyey goolka koowaad isagoo dhamaystiray in ku dhow 20 baas oo ay Bavaria isku dhiibtay, waxaana uu masaafo fog ka toogtay goolka goolka oo uu shabaqa ku hubsaday, sidaas ayaanay goolka koowaad ugu dabbaal-degtay kooxda martidu.

Qaybtii dambe ayay Bayern Munich kala daadisay Barcelona iyadoo xataa ka ilaalisay inay kubadda si fiican iskugu dhiibaan, waxaana goolka labaad ugu daray Robert Lewandowski oo kubbad uu Jamal Musiala birta kasoo jaray ku celiyey goolka oo madhan.

Goolka saddexaad ee Bayern Munich oo aad u qurux badnaa waxa si xarrago leh difaacyada dhulka ula sii dhacay Robert Lewandowski oo xilli ay ciyaartu sii dhamaanaysay lugta bidix u adeegsaday inuu hoggaanka ugu sii dheereeyo kooxdiisa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0.

Munich ayaa heshay fursado kale oo dahabi ahaa oo bahdili karayay Barcelona, hase yeeshee nasiibka  ayaa ka  joojiyey.

Dhinaca kale, Dynamo Kiev iyo FC Porto oo group-ka E kula jira Bayern Munich iyo Barcelona ayaa barbarro goolal la’aan ah ku dhamaystay, iyadoo daqiiqadihii ugu dambeeyeyna gool laga diiday Kiev.

Bayern ayaa hoggaanka  u haysa Group E oo haysata saddex dhibcood iyo saddex gool oo nadiif ah, halka Dynamo Kiev iyo Porto ay labaad iyo saddexaad fadhiyaan, waxaana ugu hoosaysa Barcelona oo aan wax dhibco ah lahayn, saddex goolna lagu leeyahay.

Shaxda Labada kooxood

Barcelona XI: Pique, Alba, Busquets, Luuk de Jong, Ter Stegen, Roberto, Depay, De Jong, Ronald Araujo, Eric Garcia, Pedri

Subs: Coutinho, Neto, Umtiti, Lenglet, Pena, Dest, Riqui Puig, Óscar Mingueza, Nico González, Y. Demir, Álex Baldé, Gavi

Bayern XI: Neuer, Muller, Lewandowski, Sule, Goretzka, Kimmich, Sane, Pavard, Upamecano, Alphonso Davies, J. Musiala

Subs: Choupo-Moting, Ulreich, Sabitzer, Sarr, Gnabry, Coman, Lucas, Roca, Cuisance, O. Richards, J. Stanišić, Kouassi

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*